| Ergada Isbaheysiga dib u xoreynta iyo kuwa TFG-da oo degan hotel aanu calanka Soomaaliya surneyn. |
| Janaayo 24, 2009 Hoteelka ay degan yihiin xubno ka tirsan Isbaheysiga dib u xorreynta & madaxda dowladda federaalka ee Kaambiski ayaa ilinka laga galo hoteelkaas waxaa ku xiran calamada inta badan wadamada Afrika & Yurub, iyadoo dalalka calamadooda ay ka dul babanayaan hoteelkaasi ay ka mid yihiin Kenya, Jabuuti, Itoobiya, Ugaandha, Tanzania, Suudaan & wadamo kale, hasse ahaatee waxaanan calamadaasi ku jirin calanka Soomaaliya, iyadoo arrintaasi ay ka careysiisay qaar ka mid ah ergooyinka dowladda federaalka & kuwa isbaheysiga ee ka qeybgalaya shirka, waxaana ay ka codsadeen dowladda Jabuuti in calanka Soomaaliya lagu soo daro calamadaas Sanadkii 2002 ayeey aheyd markii xubnihii metelayey TNG-dii Carta oo uu horkacayey raisul wasaaarihii xilligaasi Xassan Abshir Faarax markii ay yimaadeen hoteelkii Srikwa ee lagu qabanayayey wejigii 1-aad ee shirkii dib u heshiisiinta in ay ku dhacday dhacdo taas la mid ah, waxaana laga waayey calanka Soomaaliya calamadii hoteelkaasi ku xirnaa oo ahaa calamada inta badan dalalka adduunka, waxeyna taasi keentay in ergadii TNG-da ay shirka aaney ku soo laabaneyn ilaa calanka Soomaaliya meesha lagu soo xiro, iyadoo dalabkoodiina si degdeg ah loo fuliyey. Lama oga sida ay dowladda Jabuuti uga jawaabeyso dalabka ay u jeediyeen qaar ka mid ah ergada labada dhinac, oo ka dalbaday in degdeg calanka Jamhuuriyada Soomaaliya loogu soo daro calamada ku xiran hoteelka source: dayniile |
